Amnesty oo war kulul kasoo saartay ninkii lagu xukumay inuu aflagaadeeyay Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa waxay xabsiga dhigtay intii u dhaxeysay bilaha April iyo May, Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Maxamed Sidiiq Dhamme.

Hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa siday sheegtay Saddexdoodaba waxa xarigooga loo cuskaday inay baraha bulshada ku baahiyeen qoraalo ay xukuumadu u aragtay inay khatar ku yihiin Somaliland iyo Mas’uuliyiinta xukuumada Biixi.

Amnesty International oo si toos ah qoraal ugu dirtay Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegtay in Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo 17-dii April laga soo xiray Magaalada Burco, laguna eedeeyay inuu Facebook-ga ku dhaleeceeyay Madaxweynaha, sidoo kalena Borobagaando lidi ku ah Somaliland iyo Warar been ah oo ku saabsan Dugsiga Abaarso uu ku baahiyey, xilligana uu ku xidhan yahay Jeelka dhexe ee Hargeysa.

Waxay sidoo kale sheegtay Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xafiiskiisa laga soo xidhay 24-kii Aprill, iyadoo lagu eedeeyay inuu Facebook-giisa ku dhaleeceeyay habacsanaanta shaqada Ciidammada Booliska, sidoo kalena eedaha Amnesty International sheegtay in loo haysto Jamaal waxa ka mid ah inuu Aflagaadeeyay Sarkaal Booliska ka mid ah.

Sida ay Hay’addu ku sheegtay qoraalkeeda Jamaal ayaa hadda wuxuu ku xiran-yahay Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

1-dii Bishii May ee sannadkan ayaa Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, isagna gurigiisa Hargeysa laga soo xiray.

Guddoomiye Dhamme ayaa Facebook-giisa ku Cambaareeyay xaalad deg-deg ah oo xiligaas lagu soo rogay Degmooyin ka mida ah Gobolka Sanaag, ayaa 8-dii June lagu eedeeyay inuu meel kaga dhacay sharafta Madaxweynaha.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta waxay Guddoomiye Dhamme ku riday xukun ah lix bilood oo xarig ah kadib markii ay ku eedeysay dambi ah inuu u gefay sharafta Madaxweynaha Somaliland.

Amnesty International ayaa waxay sheegtay in saddexda Xubnood ee xiran dhammaantood qabashadooda aan loo marin sifo sharci ah, iyadoona xustay in aan loo soo qaadan waaran qabasho ah, Sida uu qodobka 25-aad ee Dastuurku uu dhigayo in qofka boolisku xirayo uu usoo jarto waaran qabasho ah oo Maxkamad ka soo baxday, ka hor inta aan la xirin.

Ugu dambeyntiina, Hay’adda Amnesty International ayaa waxay ku baaqday in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Cabdi Maalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Maxamed Sidiiq Dhamme, oo dhamaantoodba ay xukuumada Biixi sifo sharciga baal-marsan ku soo xirtay.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com