KHAYRE oo si qarsoodi ah Muqdisho ugula kulmay WAFDI ka socday KENYA

Muqdisho (Caasmida Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan qarsoodi ahaa oo xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uu la qaatay wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexmaray Ra’iisul wasaaraha, kaaliyaha wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Ababu Namwamba, agaasimaha nabadda iyo amniga ee wasaaradda, John Kilonzi iyo Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Gen. (Rtd) Lucas Tumbo.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xiriirka sii xumaanaya ee labada dal iyo kiiska Badda.

Ababu Namwamba ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ki yiri “Wada hadal ayaa la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan ka wada hadalnay arrimaha labada dhinac oo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya.”

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ku aadan shirkaasi.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, kaas oo ka dhashay kiiska Badda oo ay haatan dawacdiisu hor taallo ICJ.

Lama oga kulankan qarsoodiga ah waxa hadda ku soo beegay, iyadoo xiisada labada dal ay tahay mid kacsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com