Gulufka Muqdisho: DF oo wajaheysa halis ay ayada gacmaheeda ku keensatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa ka bilaawday guluf siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ka dhan ah qorshaha dowladda Soomaaliya ee madaxda qaranka dalka ku maamulaan.

Gulufkaan siyaasadeed waxaa hormuud u ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qayb ka ah wasiiro daaha gadaashiisa ku sugan iyo Xildhibaano ka tirsan 2-da gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Isbaheysi siyaasadeed oo shalay looga dhawaaqay Muqdisho, kaas oo ay ku mideysan yihiin inkabadan 10 Xisbi, ayaa durba walaac ka abuuray xafiisyada dowladda Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa la sheegay in looga yeeray hoggaamiyaal Xisbiyo, kuwaas oo la dhacsan dowladda Soomaaliya islamarkaana gaashaan u ah Xukuumadda waxaana la filayaa in maalmaha soo socda arintaan ka hadlaan.

Durba waxaa bilaawday warar sheegaya in Xisbiyada la dhacsan Xukuumadda ay billaabeen qorshe ay sharci darro uga dhigayaan Isbaheysigii shalay looga dhawaaqay Muqdisho.

In Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed hogaamiyaan xisbiyo siyaasadeed waa fariin muujineysa in dowladda Soomaaliya ay wajaheyso culeesyo siyaasadeed kuwii ugu adkaa muddo 3 sano kadib.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ma aheyn mucaarad dowladda dhaliila ama sameeyo shirar ka dhan ah waxaase la’aaminsan yahay in dowladda ay sabab u noqotay in uu sii kordho mucaaradkeeda.

Dhamaan dadka aan la dhacsaneen shaqada dowladda, waa siyaasiin ay fogaysay kuwaas oo qaarkood ku jira hay’adaha dowladda Soomaaliya, sida Baarlamaanka iyo kuwa kale oo ku sugan daaha gadaashiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com