Kheyr oo afka gacanta saartay markii ay wasiirada soo codsadeyn tiradii ugu badneyd ebed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku jiro wada tashiyadii ugu dambeeyey ee ku saabsanaa magacaabista golaha wasiirada cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo asbuuca soo socdo.

Ra’isulwasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayo beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed si uu ugala tashto magacaabista golaha wasiirada.

Haddaba Kheyre ayaa gacanta afka saartay markii loo soo gudbiyey codsiyo lagu doonayo wasiiro oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwii ugu badnaa ee ebed soo codsato golaha wasiirada.

Illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in xafiiska Ra’isulwasaaraha ay soo gaareyn codsiyo lagu sheegay tiradooda inay kor u dhaafeyso 350 cod oo lagu doonayo wasiiro.

Ra’isulwasaaraha ayaa la yaabay tiradaan halahaan la eg soo codsatay golaha wasiirada waxayna midaas keentay inay dib u dhacdo qorshihii lagu doonayey in golaha lagu shaaciyo asbuucaan dhamaadka ah.

Golaha wasiirada ayaa la filayaa  in laga dhigo ilaa 30 wasiir, 30 ku xigeyn iyo 10 wasiiru dowle waxaana hadda muuqaneyso inay codsiyada soo dhiibteyn shaqsiyaad 5 jeer ku  jibaarmayo tirada la doonayo inay wasiirada noqdaan.

Waxaa laga war sugayaa go’aanka uu Ra’isulwasaaraha ka qaato codsiyada tirada badan ee kusoo dhacday gacanta xogheynta Ra’isulwasaaraha waxaana lasoo sheegayaa inuusan Kheyre fiirin qaar badan oo kamid ah codsiyadaas maadaama ay dhaafeyn xadkii loogu talagalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com