Sawirro: Wax ka ogow sababta keentay inay haweenka ka tirsan AMISOM banaanbax ka sameeyaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa bannaanbax nooc cusub ah ka dhigay magaalada Muqdisho.

Haweenka ka tirsan Ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sameyey banaanbax aad loola yaabay.

Hawenkaan askarta ahaa ayaa isugu soo baxay banaanbax ay ku weeneynayeen maalinta haweenka adduunka oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 08 March 2017.

Waxaa la banaan baxay haween kale oo Soomaali ah kuwaas oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka waana markii ugu horreysay oo ay haweyn ajaanib ah isugu soo baxaan Muqdisho iyagoo u banaanbaxayo maalinta Haweenka Adduunka.

Judy Lamet oo ah Haweeney kasoo jeedo dalka Kenya ahna Kaaliyaha ciidamada Booliska Midowga Africa ee ku sugan Muqdisho ayaa ka dhawaajisay inaan nabad ilaalin la sameyn karin haddii aanan garab laga helin haweyna maadaama ay ku sheegtay inay yihiin xiriir dhaw la leh dadka.

“ waxaan idiin xaqiijinayaa inaan nabad ilaalin la sameyn karin haddii aanan garab buuxa laga helin haweynka oo lagu tiriyo inay yihiin kuwa xiriirka ugu dhaw la leh dadweynaha” ayey tiri kaaliyahaan.

“haweenku waxay leeyihiin il qarsoon oo ay xaaladda ku qiyaasi karaan kuna fahmi karaan waxa socda” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Sidoo kale Lydia Wanyoto oo ah ku xigeenka madax Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay taageereyso haddii la kordhinayo tirada Haweenka ka tirsan ciidamada MIdowga Africa ee Soomaaliya kuwaas oo kamid ah booliska iyo Militariga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com