Kheyre: Anaga ma wadano xoog balse dowladnimada ayaa xoog iyo awood ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay caburinta lagu eedeeyo inay ku hayaan siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in dad badan ay aamisan yihiin dowladda hadda jirtaa inay xoog u adeegsato shacabka, balse taasi ay tahay waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in amarka dowladnimo uu yahay in markii la doonayo in dhaqaalaha horumarin lagu sameeyo la fogaado musuq maasuqa,taasina ay hormuud u tahay la-xisaabtanka dowladda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dadka kala ogaadaan Maxaan xoog aheyn maxaase Xoog ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa Muhiim ah in dadka kala ogaadaan maxaa xoog ah maxaasne xoog aheyn, marka aad musuq maasuq la dagaalameyso waxaa dhacaya waxyaabo badan, waxaan balanqaaday inaan ciidamada dib u habeyn ku sameyneyno, waxaan balanqaadnay inaan dadkii hore ka duwanaan doono, waadna aragtaan inaan aniga iyo madaxweynaha wali wada joogto”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay inay balan qaadeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso inay wada shaqeyn doonaan, walina ay wadadaasi ku socdaan sida uu hadalka u dhigay Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com