26.8 C
Mogadishu
Thursday, June 4, 2026

Kheyre iyo Farmaajo oo ku gacan seyray shaqsi uu watay Jawaari iyo kulan dhex maray oo ku dhamaaday fashil!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya ka dhacay kulan xasaasi ah oo kusoo dhamaaday fashil kaasoo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’isulwasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.

Kulankaan oo  ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga wada hadlay shaqsi uu rabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari in lagu soo daro liiska golaha wasiirada Soomaaliya.

Jawaari ayaa madaxweynaha in Ra’isulwasaaraha ka codsaday in Wasiirka Maaliyada loo dhiibo Wasiirkii hore ee Wasaaradda maaliyada Maxamed Aadan Ibraahim” Farkeeti” hayeeshee waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraaha labadooduba ay si wada jir ah ugu sheegeen in golaha wasiirada aan lagu soo dari doonin  xubno ka tirsanaa dowladihii hore.

Markii ay go’aankaas qaateen waxaa isbadal iyo xanaaq kulanka ka muujiyey Jawaari oo sheegay inaan la siin  doorka uu ku leeyahay magacaabsita wasiirada cusub ee Xukuumadda  Soomaaliya, taasina ay muujineyso kalsooni darro.

Kulankaan oo qaatay saacado badan ayaa kusoo dhamaaday fashil iyo ismari waa, waxaana dariishada laga tuuray codsigii Jawaari ee ahaa in Farkeeti laga dhigo wasiirka Maaliyadda, waxaana meesha ka tagay Prof. Jawaari oo niyad jabsan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli la filayo in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo golaha wasiirada cusub oo la filayo inay noqdaan ilaa 30 wasiir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News