Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan Khaasa ay wada qaaten Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Wasiirka amniga gudaha Abuukar Maxamed Ducaale.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegay in Wasiirka Amniga uu kala hadlay Nabadeynta Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxa uuna ugu baaqay in gacan bira uu ku qabto Kooxaha falalka Amni darro ka geysta magaalada Muqdisho.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Wasiirka Amniga uga digay Seddex arrimood oo kala ah Diyacaada Amniga, waxqabad la’aan iyo Musuq maasuq lagu sameeyo Xuquuqda Ciidamada iyo Hubka usoo gacan gala Wasaarada.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale Wasiirka kula taliyay in cida uu kaashanaayo ay noqdaan shacabka waxa uuna si cad ugu sheegay in Guusha Amniga ay tahay mid dhextaal shacabka.
Kheyre waxa uu tilmaamay in si joogta ah ay ula xisaabtami doonaan Wasaarada Amniga waxa uuna meesha ka saaray in la xisaabtanka uu lamid yahay sida Xukuumadii hore ee uu Hogaaminaayay Cumar C/rashiid.
Wasiirka amniga gudaha Xil. Abuukar Maxamed Ducaale, ayaa soo dhaweeyay baaqa Ra’isul wasaare Kheyre waxa uuna ballanqaaday inuu ka dhabeyn doono Ujeedka loogu magacaabay Wasaarada Amniga.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhowr jeer sheegay in Xukuumadiisa ay si joogta ah ula xisaabtami doonto, waxa uuna ballanqaaday in isla xisaabtankaasi uu waxbadan ka bedeli doono Xukuumada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

