Xog: Wasiirkii hore ee gaashandhigga DF oo ceeb dhex fadhiistay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumada Somalia Jeneraal Cabdulqaadir Cali Diini uu ku ku fashilmay tira koobka Ciidamada Milliteriga Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiie Diini uu cadeyn waayay tirada ay ka kooban yihiin Ciidamada xilli Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay wax ka weydiyeen tirada ay ka kooban yihiin Ciidamada.

Diini ayaa la sheegay inuu iska fogeeyay wax ka ogaanshiyaha Ciidamada Dowlada, kadib markii uu ku andocooday inaan lagu wareejin tirro sax ah.

Diini ayaa sheegay inuu hayo tirooyin is Khilaafsan sidaa darteedna uusan heyn tirro sax ah oo uu ku wareejinkaro Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashandhigga Somalia.

Sidoo kale, Diini ayaa sheegay in tirro koobka Ciidamada ay mudan tahay in wax laga weydiiyo Taliyaha Ciidamada iyo Abaanduula oo uu sheegay inay gacanta ku hayaan howlaha Ciidamada.

Geesta kale, Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashandhigga ayaan la wareegi doonin tiro sax ah oo ku aadan Ciidamada Milliteriga, waxaana looga fadhiyaa inuu dib u habeyn ku sameeyo Ciidamada Milliteriga si loo helo tiradooda saxda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com