25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Wasiir ka tirsanaa xukuumadii CC oo maanta Muqdisho ku geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee dekedaha Nuur Faarax Xirsi ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay.

Nuur Faarax Xirsi ayaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu xanuunsanayay, waxaana saaka la sheegay inuu u geeriyooday xanuunkii mudadan hayay.

Qaar kamid ah ehelada wasiirka ayaa xaqiijiyay geerida ku yimid wasiirkii hore ee dekedaha.

Nuur Faarax ayaa xilka wasaarada Dekedaha ka ahaa xukuumadii ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana ehelada wasiirka ay sheegeen in lagu aasayo magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan Alle u naxariisteen Nuur Faarax ku booqday Cisbitaalka Digfeer halkaasi oo mudooyinkii danbe uu ku xanuunsanayay.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaana la filayaa iney ka qeyb galaan aaska loo sameynayo Nuur Faarax Xirsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News