Sawirro: Meydad u badan haween iyo carruur oo tuban waddooyinka dalka Colombia

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa waddooyinka Waqooyiga dalka Colombia tuban Meydadka boqolaal ruux oo ku dhintay daadad xoogan oo ku dhuftay Waqooyiga dalkaasi.

Warbaahinta caalamka ayaa soo tabineysa in daadadka ay dhulka dhigeen daaro farabadan isla markaana qaaday shacab farabadan.

In ka badan 209 qof ayaa ku dhimatay daadadka iyadoo dadka intiisa badan laga soo hoos saaray dhismooyin dumay hoostiisa.

Daadadka xoogan ayaa watay dabeylo burburiyay dhismooyin gaagaban, waxa ayna Saraakiisha Caafimaadka sheegayaan in ilaa iyo hadda la helay Meydadka 209 qof.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in goobaha ugu badan oo uu saameeyay daadka ay kamid tahay Magaalada Mocoa waxaana waxyeelo ay ku gaartay in ka badan 350,000 oo qof oo naftooda la cararay.

Dadka qaar ayaa lagu badbaadinayaa Diyaarado nooca loo yaqaan Helicobterada, waxaana xusid mudan in baaritaanka dadka ay guryaha kusoo dumeen ay ka qeybqaadanayaan eeyo.