Xog: Muxuu Farmaajo ka damacsan yahay safiirada Somalia u fadhiya caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu wado qorsho lagu bedelaayo Safiirada Somalia u fadhiya dhowr dal.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweynaha uu isbedelka ka bilaabi doono Safiirada Somalia u fadhiya qaar kamid ah dalalka carabta kuwaa oo lagu bedeli doono Siyaasiyiin si dhow ula shaqeeyay Farmaajo xiliga Doorashada.

Safiirada la qorsheynaayo in dhawaan la magacaabo ayaa waxaa ka dhex muuqan doona shaqsiyaad xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii ay kala hogaaminayeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Safiirada cusub ayaa waxaa sidoo kale kamid noqon doona Musharaxiin dhowr ah oo Madaxweyne Farmaajo kula tartamaayay Doorashada, walow ay soo baxayaan warar sheegaya in Musharaxiinta guul dareystay loo magacaabi doono Safaaradaha ku yaalla dalalka Yurubta.

Isbedelka koowaad ayaa ka bilowday Safaarada Somalia ee dalka Kenya oo Safiirkii ku magacownaa kamid noqday Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ma cadda tirada ay gaarayaan Safiirada ku bixi doona Isbedelka inkastoo warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in isbedelka uu ku dhici doono ilaa 6 Safaaradood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com