Maxaadan ogeyn oo ku soo kordhay Khilaafkii Galmudug iyo Ahlu-Sunna?

By Asad Cabdullahi Mataan

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in laga gudbay Khilaaf Siyaasadeedkii u dhexeeyay Galmudug iyo Ahlusunna.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ahlusunna ay diyaar u tahay inay wax la wadaagto Galmudug, kadib markii xal laga gaaray Khilaafkii kala dhexeeyay maamulka.

Maxamed Xasan Geelle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in Musharaxiinta Ahlusunna ay isku diiwaan galinayaan Doorashada Madaxweynaha.

Maxamed Xasan Geelle, waxa uu tilmaamay in gadoodka Ahlusunna uu ahaa mid ku xeeran carada kala dhexeysay Madaxweynihii is casilay C/kariin Guuleed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Galmudug ay tahay maamul goboleed la aqoonsan yahay ,islamarkaana Ahlusunna ay kasoo horjeeday Madaxweynihii Galmudug ee xilka iska casilay.

Docda kale, Maxamed Xasan Geelle ayaa rajo wanaagsan uu ka muujiyay in Ahlusunna ay la midowdo maamulka Galmudug, isla markaana ay ka qeybqaadan doonaan Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com