Xog-warran: Qeylo-dhaanta beesha Galmaax Yoonis ma sharci baa?

By Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa maalmahaan aad u soo kordhay qeyladhaan badan oo ka soo yeereysa beelweynta Galmaax Yoonis oo ah beelaha dega gobolka Benaadir iyo labada Shabeelle ee ex-Benaadir oo ay ku dalbanaayaan inay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin deegaannada ay degaan sida Soomaalida kale ee walaalahood ahba ay u helaan xuquuqda deegaannadooda iyo tan ay ku leeyihiin maamulka federaalka.

Waxaase taas barbar socda oo iyadana sidaas si la mid ah baraha bulshada ku xiriirto ku soo batay Soomaali kale oo ku doodeysa maxay dadkaan hadda u qeylinayaan ama leh maxay qaab qabiil wax ugu doonaayaan waa wax laga xishoodo, iyadoo ujeedada tahay in lagu aamusiyo.

Qeyladhaanta dadka degaanka ex-Benaadir ma mid hadda bilaabatay waana mid soo jireen ah lagasoo bilaabo waqtigi dowladaha isticmaarka Talyaaniga, dowladdi madanigaahayd , tii kacaanka, ilaa maanta ay soo gaarto inay marti ka noqdaan degaankooda oo wax xuquuq ah aysan ku lahayn.

Soomaaliya waxaa hadda loo sameeyay nidaam federaal ah oo qabiil cad oo aan qarsaneyn sal loogadhigay,qabiil walbana degaankiisa ayuu dowlad-goboleed ka sameystay uu u madaxbanaan yahay maamulikiisa, dhaqaalihiisa iyo degaankiisa, ciddi ay doonaanna heshiis kula gala gudaha iyo dibeddaba iyadoon dowladda federaalka ah waxba degaanka keliya ee shirkadda lagu yahayna uu noqday gobolka Benaadir, taasoo dadka degaanka soo xusuusisay waxyaabihi keenay ee asalka u ahaa burburki waddankeena ee halku dhigga looga dhigay KEYGA ANAA LEH KAAGANA KULA LIHI.

Waxyaabaha sababay in waqti badan lala aamusnaado ayadoo garasho la’aan aysan jirin waxaaka mid ahaa rajo ay dadka degaankaan ka qabeen in la gaari doono doorasho nin iyo codkiis ah ama in wax lagu qeybsan doono nidaam degaan ku saleysansaasna ay ku heli doonaan xuquuqdooda si sharci ah, laakin taas ma muuqato oo nin iyo codkiis waxay u egtahay in qiyaamaha kasoo sukeeyo Ilaahey naxariitiisa se lagama quusto Allaha noo sahlo.

Tan degaan in wax lagu qeybsado ahna waxaa si toos ah u diiday Dowladdi kooxda damu jadiid ee uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, sababaha uu u diidayna dadka siyaasadda dersa waxay ku sheegeen :

1-Asagoo isaga isugu daneyhaayo waayoo haddii degaan wax lagu qeybsado degaan doorasho oo uu ka soo galo oo cad oo aanan jirin.

2-Murshidka Damu Jadiidna aan rajo laga qabin deegaan inuu wax ku noqdo.

Runta marka leysu sheego dowladda federaalka ah deegaanka Soomaaliya waa weyn yahaye intee ka talisaa oo maamulkiisa si toos ah u hoos yimaadaa?

Jawaabta keliya ee leexleexadka aan lahayn waa gobolka Banaadir.

Waxay dowlad ku tahay canshuurta laga qaado dekedda, airporka, suuqyada, guryaha, baabuurta iyo qidmooyin gaar ah sida baasaboorada iyo ID kaarka loo sameeyo dadka ku nool gobolka benaadir oo kaliya.

Ilaahaas dhaqaale sida ay degaankaan ugu yaallaanoo kale ayay gobollada kale ee Soomaaliya uguyaalaan wax dakhli ah oo dowladda dhexe kasoogalana ma jiraan, maamul walba wixiisa asagaa meel dhigtay, xamarna u soo dirsaday xildhibaano iyowasiiro ku maamula gobolka Benaadir magacfederaal, dhaqaalihiisana qeybtooda uga soo qaada.

Dowladdeeni dhexe ee Soomaliyeed waxyaabahaasalka u ahaa inay burburto waxaa ugu weynaa in aan dheefta (dhaqaalaha) iyo sharafta (darajada) si caddaalad ah aan loo wadaagin oo dadku noqdaankuwo talsho iyo kuwo loo taliyo, kuwo dhaqaalahamaamulo iyo kuwo iyaga dhaqaalaha laga sameeyooo beerta tacban ayaga ah (noole iyo deris ku noole),hadda markii aad fiiriso sida wax ku socdaannawaxaa kuu soo baxeysa in meeshi laga yimid loosocdo, oo dadka degaanka ay degaankooda marti kuyihiin, dheeftoodi uu u maamulyaayo nin tiisi meel soo dhigtay, Dowladda Farmaajo iyo kheyre oodowlad sharci ah oo Soomaaliya soo marta tii ugu salballarneyd ah (70 wasiir iyo wasiir ku xigeenno ka kooban) ay dadka degaanka marti ka yihiin.

Duubki Xamar iyo Xamardaye oo joogana in Ubbaqaadki Imaamka la yiraahdo waa boqorkidegaanka waa xaqqiraad aan loo meel dayin.

Waxaan ku soo gunaanadadaayaa mid aan leeyahaymadaxda dowladda oo ah:

Qalad waa dhacaa waxaase ugu fiican kan laga dabaordaayo oo in la saxo diyaar loo yahay, fursaddaasnawaa jirta haddii caqligu talihaayo.

Midda labaadna waxaan leeyahay dadka degaanka:

Afkaaga oo guran kuuma dhalo oo xaq ninkiisiqeylihaayo ma dhumo, halkudhigginuna ha ahaado(in wax la wada wadaago ma diidanin laakin kaagakeliya aa shirkad lagu yahay diidnay), waddankaintiisa kale ninba meeshiisa asagaa leh Benadirnawaa shirko oo maqaam qaar ah ayaa loosameyhaayaa, caddaladdaas mahey ka socoheysohala geeyo, bal Soomaliya ha laga helo cid kale oodegaankeeda maqaam gaara in loo sameeyo ogol, haddii la waayo wallalkeeyoow doqonnimo adiga aadiska diiday aniga ha ii saarin mana qaadahaayo oowaa diiday wax maqaam gaar ah la yiraahdo, nin tiisiu tashaday taada cod haku lahaado ee haka talshocaddaalad maahan waana diidnay.

Midna yeysan idin cabsi gelin taasoo ah arrinta inaadqabiil ku doodeysiin oo la rabo in leydinku afjigo, xaqqiiqdi qabiilku waa virus soomaali oo dhan kudhacay idinkana inti aad is lahaydeen ka xishoodauuba ku dhow yahay inaad ku xuquuq beeshaanilleyn halbeega soomaali wax loogu qeybiyo waabaqabiil (4.5), dadka bannaanka la taagnaay weligoodoo resistente uu ku noqday viruska waa kuwaasdegaannadoodi iyo kuwo aysan lahaynba maamul u sameystay.

Nin iyo codkiis markii ay joogtay nin aan heli jirin hal xildhibaan ayaa maanta resistensigaasdartiis 7 xildhibaan leh, marka qabiil hala joojiyowaa kalimad xaq ah waase haddi la wada qaato (in dadka qaarna ay la gaarto uhuru Kenyata iyo Farmajowaa isku jufo, annagana halbeegi inaan wax kuqeybsanno aad noo jideyseen haddaan wax kudalbanno aad madaxa qabsataan caddaalad maahan, hala wada dhaafo oo towba jamaaciyah towba haladhahana ma diidani), intaas waa xaqqiqda jirta,runsheegse waa ceeb sheeg.

W/Q: Cabdiqani Sheekh