Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maamulka gobolka Banaadir ku wareejiyay gaadiid loogu talo galay inay ka qeyb qaataan dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir.
Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta la wareegay warshado ka qeyb qaadanaya dhismaha ka socdo gobolka Banaadir.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa galabkaasi oo ka kooban 52 gaari iyo kuwa dhismaha ka qeyb qaata maanta ku wareejiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga wuxuu sheegay in sidoo kale maanta ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho mucaawino loogo talo galay dadka dhibaateysan dhawaanna dowladda ay ku wareejinayaan.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa mahadcelin u jeediya dowladda Turkiga, wuxuuna sheegay in dowladdaasi ay wax badan u qabatay shacabka Soomaaliyeed.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]