Kheyre oo doorashada 20/21 kala hadlay QOOR QOOR

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo haatan kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ugu horreyn labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo kaalinta ay ku leedahay dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Qoor Qoor iyo Khayre ayaa diirada saaray xaaladda maamulka Galmudug iyo howlaha horyaalla.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa horey ula kulmay xildhibaan Jawaari iyo sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Khayre ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweyne oo u taagan doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka.