Maxaa iska bedalay hanaanka loo ansixinayo heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah kulan ula yeeshay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka kuwaas oo is diidanaa mudooyinkii ugu dambeeyay.

Kulankaan oo laba ujeeddo lahaa ayaa marka hore lagu soo hadal qaaday sidii dib loogu soo celin lahaa wada-shaqeyntii u dhaxeysay labada aqal isla markaana loo dhameyn lahaa wax walba oo culesyo ka dhex jiray.

In lasoo dhameeyo khilaafka labada aqal, waxaa lagu soo hadal qaaday shirkii ay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waana dhameystirka heshiiskaas.

Heshiiska doorashada ee ka koobnaa 15-ka qodob laguna gaaray Muqdisho waxaa ku jirtay in baarlamaanka la horgeeyo, sidaas darteed waxaa si wadajir ah loo horgeyn doonaa labada aqal.

Si heshiiska doorashada u noqdo mid dhaqan gala waxaa loo baahan yahay iney si wadajir ah u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka, sida wararka sheegayaan waana waxaa la horgeyn doonaa maalinta Sabtida ah.

Madaxda maamul goboleedyada tan iyo markii ay heshiiska la gaareen dowladda dhexe waxey Muqdisho ka wadeen olole ay taageero ugu raadinayaan ansixinta heshiiska, waxeyna kulamo gooni-gooni ah la yeelanayeen xubnaha maamul walba ugu jira Baarlamaanka labada aqal.

Waxaa la sugi doonaa ansixinta iyo diidmada Baarlamaanka ee heshiiska lagu gaaray Muqdisho kaas oo la isku raacay in doorashada ku dhacdo wakhtigeeda lana bilaabi doono si hordhac ah bisha November ee soo aadan.