SACIID DENI oo hal arrin ka codsaday xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa codsi ku saabsan heshiiska doorashada u gudbiyay Baarlamaanka ka hor maalinta sabtida ah oo lagu wado in la horgeeyo.

Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada ayaa ka heshiiyay arrimaha doorashada, waxaana kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban 15 qodob oo la isla fahmay, taasoo ay udub dhexaad u tahay horgeynta Baarlamaanka.

Saciid Deni oo difaacaya heshiiska doorashada ee la gaaray ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka labada aqal inaysan carqalad ku noqon heshiiska la gaaray, wuxuuna ka dhawaajiyay inaan cidna loogu darnaan.

Deni ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kasoo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada xilka sii heynta ku jooga, qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Beesha Caalamka waxey qabaan walaac ku saabsan hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay, waxaana jira olole baahsan oo ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka wadeen Muqdisho tan iyo markii heshiiska la gaaray.

Madaxda Maamul goboleedyada waxey doonayaan in la ansixiyo heshiiska ay ku gaareen caasimadda, waxaana la ogeyn doorka ay beesha caalamka ku yeelan doonto hadii la ansixiyo.

Sidoo kale shalayto waxaa xerada Xalane ka dhacay kulan looga hadlayay hanaanka loo qaabili doono amaanka doorashada oo dhexmaray taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.