Muqdisho (Caasimada Online) –ย Raโisul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale daboolka ka qaaday in dowladiisa ay sii laba jibaari doonto xariga shaqsiyaadka ku kaca Musuq-maasuqa.
Ra’isul wasaaraha xukuumada ayaa sheegay inuusan garan karin sabab looga aamuso shaqsi musuqaaya Hanti Qaran iyo mid shacab, waxa uuna laamaha amaanka dowlada faray inay xiran cid waliba oo lagu soo oogo musuq, isla markaana loo jaro warqada xariga.
Waxa uu Ra’isul wasaaraha ku cel celiyey in dowladda ay tallaabo cad ka qaadeyso masโuulkii ka tirsan dowladda ee sameeya musuq maasuq xilkuu doonaba ha hayee, sida uu hadalka u dhigay.
Kheyre, waxa uu mar kale uga digay masโuuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Federaalka Somalia inaysan musuq maasuq ku sameyn hantida lagu aaminay oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa โHadii aad tahay mas’uul Soomaliyeed oo lagu aaminay xoolaha Ummadda ha isku musuq maasuqin ha isku-xadin,lagaa yeeli maayo ย waa lagaaga daba imaanayaa, hadii Ummadda Soomaaliyeed hantidooda ee laguugu aaminay kasoo bax, hadii aad ka soo bixi weyso waa lagu qabanayaa”
Waxa uu tilmaamay inay muhiimad gaara u leedahay dowlada Somalia in la ilaaliyo hantida Shacabka, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay dhibaatada koowaad u keentay musuqa.
Hadalka Raโiisul wasaare Kheyre ayaa ku soo aadaya xilli Masโuuliyiin iyo Saraakiil ciidan ay u xiran yihiin eedeyn la xiriirta musuq-maasuq.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho