Kheyre oo ku gacan seeray canshuur dhaafkii uu sameeyey Beyle, soona saaray amar culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Raโ€™isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shuruud adag ku xiray inay heyโ€™adaha dowladda sameeyaan canshuur dhaaf kadib waraaq saxiixan oo uu soo saaray.

Xasan Cali Kheyre ayaa joojiyey in shuur dhaaf loo sameeyo heyโ€™adaha iyo ganacsatada wax kala soo daga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dakadda Muqdisho.

Bishii April ee dhawaan dhamaatay ayuu Raโ€™isulwasaare Kheyre waraaq toos ah u diray wasaaradda Maaliyadda iyo Heyโ€™adaha Maaliyadda dalka ka jiro, wuxuuna ka dhawaajiyey inay jiraan waxyaabo muujinaya isku dayo lagu doonayo in qaab aan sharci aheyn looga faaโ€™ideysto canshuur dhaafka dowladda, midaasna ay tahay musuq maasuqa ay dowladda la dagaalameyso.

Raโ€™isulwasaaraha ayaa amray inaysan wasaaradda bixin Karin canshuur dhaaf iyadoo aan ogolaansho laga heysan isaga.

Canshuur dhaafka uu Kheyre ka hor yimid waxaa horey u sameeyey wasiirka Maaliyadda Beyle, waxaana jiro loolan adag oo ka dhaxeeyo labadaan Mas’uul, xilli Kheyre lagu eedeeyey inuu faragelin qaawan ku hayo shaqadii wasaaradda Maaliyadda

 

Haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqda Documentiga ah oo ay heshay Caasimadda Online:

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NETย 

- Advertisement -

Read more

Local News