Musharax Axmed Shariif oo dhageystay Talooyinka Shacabka Galmudug iyada oo Saacadihii ugu dambeeyey ee Doorashada lagu jiro.

Cadaado (Caasimadda Online) – Axmed Cali Hilowle ayaa Galabta Socdaal lug ah ku maray goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee Magaalada Cadaado waxa uuna la kulmay Haweenka, Odayaasha dhaqanka, Dhallinyarada, iyo qeybaha kale ee Bulshada isaga oo dhageystay talooyinka ay soo jeedinayeen ee ku saabsan qaabka ay rabaan in uu ula shaqeeyo haddii uu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Shariif ayaa booqday Suuqa Magaaalada Cadaado isaga oo gacan qaaday dadka halkaas ku sugnaa qaarkood oo su’aalo weydiiyey ayuu sidoo kale uga jawaabay, waxaana ka mid ahaa marka la doorto in uu socdaalkaan oo kale sameyn doono, waxa uuna balan qaaday Axmed Shariif in go’aan kasta oo uu gaarayo ay kaalin ku leeyihiin shacabka Galmudug uuna joogteyn doono la tashiyada uu la sameynayo.

Musharaxa Madaxweyne ayaa ugu dambeyn shacabka Cadaado Shaah Kula cabay Maqaayad weyn oo ku taala Bartamaha Magaalada halkaas oo ay ku sugnaayeen dad badan, Odayaasha dhaqanka ee Galmudug ayaa sheegay in Axmed Shariif uu noqday Musharixii ugu horeeyey oo Fursad siiya dad shacabka ah waxa ayna uga mahadceliyeen waqtiga uu la qaatay iyada oo lagu jiro Saacadihii ugu dambeeyey ee Doorashada.

Musharax Madaxweyne Axmed Shariif oo shalay khudbaddiisa Musharaxnimo Baarlamaanka ka horjeediyey ayaa balan qaaday in amniga iyo hormarinta dhaqaalaha Galmudug uu ka shaqeyn doono, dowlad goboleedkiisuna noqon doono mid wadatashi ku dhisan.

Saacado kooban ayaa ka dhimman xilliga loo dareeri doono doorashada Galmudug.