Sawiro: Faahfaahin ku saabsan safarkii wasiirka Arrimaha gudaha Cadaado iyo haddii ay dowladda u ololeeneyso shaqsi gaar ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Galmudug, waxayna wafdigaas isugu jiraan Wasiiro iyo xildhibaano kasoo kala jeedo Galmudug iyo Gobolada kale ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada Galmudug ayaa faahfahin ka bixiyey ujeedka safarkiisa, wuxuuna ku sheegay doorashada berry ka dhici doonto Magaalada Cadaado ee lagu dooran doono Madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu tilmaamay inay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo hubin lahaa inay doorashada Galmudug u dhacdo si cadaalad ah oo dadka dhan wada arkayaan.

Mar wax laga waydiiyey, haddii ay dowladda Soomaaliya u ololeeneyso shaqsi gaar ah ayuu ku jawaabay inay doorashada Madaxweynaha tahay arrin u taal Galmudug ayna dooran doonaan shaqsiga ay iyaga u arkaan inuu wax u qaban karo deegaanada Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle, Axmed Cali Hilowle iyo C/qaadir Maxamed Shirwac ayaa ah seddexda shaqsi ee u taagan tartanka madaxwyenimo ee Galmudug.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada safarka wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo wafdigiiisa

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET