Kheyre oo ku goodiyay inuu laali doono mas’uuliyiinta weli ku howlan arrin aad loo dhibsaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa digniin culus u kala diray shaqsiyaadka ka shaqeeya Hay’adaha dowlada ee weli ku howlan musuq-maasuqa.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan kiisas dhowr ah oo salka ku haya musuq-maasuq weli ka taagan xarumaha dowlada qaarkood.

Kheyre waxa uu sheegay in musuq-maasuqa noocaasi ah ay kula xisaabtami doonaan shaqsiyaadka dowlada ugu magacaaban goobaha ay ka taagan yihiin musuqa, ee lagu qaato lacagaha sharci darada ah.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu cadeeyay in shaqsiyaadka ku sifoobay musuqa ee ku dhex jira Xarumaha dowlada aanu sii heyn doonin xilalka ay hayaan isla markaana ay ku weyn doonaan si sahlan.

Waxa uu carab dhabay in goob weliba ay ka howlgalaan Guddiyo qarsoon oo ka shaqeeya soo afjarida musuqa taagan, hayeeshee ay dowladu is hortaagi doonto kuwa musuqa caadeystay.

Waxa uu intaa ku daray in iminka ay soo afjareen musuqa ugu badan, halka tirada harsan ay kusoo afjari doonaan muddo gaaban gudahooda.

Xarumaha ugu badan ee musuqa uu ka jiro ayaa ah kuwa ay shacabka ku xiran yihiin sida Xarumaha Gobolka, Wasaaradaha, Xarunta baasaboorka laga sameeyo iyo Xarumo kale oo shacabka lagu xujeeyo bixinta lacago sharci daro ah.

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili ay weli jiraan mas’uuliyiin aan dhag jalaq usiin digniinaha laga bixinaayo musuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com