KHEYRE oo markaan halis ugu jira golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in dhawaan uu furmo Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana durba jira hadal hayn iyo warar ka soo baxaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadan xaalado hareyn kara fadhiyada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa kuu sheegaya in markaan uu kacsan yahay Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ay dhamaatay dulqaadkii Xukuumadda. Sidoo kale waxaa dhaqan geli waayay heshiisyo hore oo u dhaxeeyay Xukuumadda iyo inta badan Xildhibaanada, kaas oo markii hore hoos u dhigayay Khilaafka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay jirto Xildhibaano ku fakaraya mooshin ka dhan ah Raysal Wasaare Kheyre oo ku aadan arimaha Ammaanka, Siyaasadda, iyo Ciidamada ka cabanaya Mushaar la’aanta, halka Xildhibaano kalane ay abaabulayaan Mooshin ka dhan Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo ku heesta Madaxweynaha arrinta Badda iyo heshiiskii lala galay Kenya.

In Xildhibaanada ay ku kacaan Kheyre waxaa loo sababaynayaa laba arimood oo kala ah.

1 – In ay istaagtay lacagtii ay bixin jirtay madaxtooyada ee la siin jiray xildhibaanada iyo warbaahinta.

2 – In aysan dhicin balanqaadkii Xukuumadda ee ahaa in ay isku shaadhayn ku sameyn doonto Golaha wasiirada, islamarkaana ay ka soo dhax-muuqdaan Xildhibaano k atirsan Golaha Shacabka oo saaxiib la ah Xukuumadda Soomaaliya.

Wali ma furmin Kalfadhiga Golaha Shacabka, balse waxaa soo xaadiray inta badan Xildhibaanada kuwaas oo sugaya in fadhiga uu furmo. Waxaa magaalada Muqdisho ka taagan hadal hayn xoog leh oo arintaan ku aadan waxayna dadka kuu sheegayaan in markaan ay halis ugu jirto Xukuumadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com