Kheyre oo qiray hal arrin oo inta badan ay ka gaabsadaan madaxda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dad farabadan oo ay dhibeyso in Somalia ay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay inuusan garankarin sababta keentay in muwaadin Soomaaliyeed uu horumar u diido dalkiisa.

Waxa uu sheegay inay la socdaan kuwo badan oo ay dhibeyso in Somalia ay cagta saarto wadada saxda ah, balse waxa uu cadeeyay in dowladu aysan waxba u arag kuwa ku taamaaya inay dhulka dhigaan horumarka Somalia.

”Somalia horay ayey usii soconeysaa cidna kama yeeli doono in dib loo celsho, waayo ma jirto sabab aan uga aamusno kuwa jecel inay cuuryaamiyaan dalka” ayuu yiri mar uu ka hadlaayay” xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Sugaanta.

Waxa uu sheegay inuusan ka aamusi doonin wax waliba oo dhibaato u keeni kara Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna sidoo kale ku baaqay in laga wada shaqeeyo danaha dalka.

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan xubnaha muraacad ee lagu eedeeyo is hortaaga dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com