Kheyre oo qorshihiisa 4-ta sano ka iibinaaya gudoomiyayaasha labada Aqal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha la magacaabay Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo Guddoomiyayaasha labada Gole ee BFS.

Ra’isul wasaaraha la magacaabay Mr Kheyre ayaa labada Guddoomiye kala hadli doona qorshihiisa shaqo, waxa uuna ka dhaadhicin doonaa in labada Aqal ay dhankooda ka fududeeyan ogolaanshiyaha.

Kheyre ayaa labada Guddoomiye sidoo kale ku qancin doona wada shaqeynta iyo inuu dhisi doono Xukuumad loo dhan yahay oo ka duwan kuwii hore.

Kheyre ayaa sidoo kale labada Guddoomiye usoo bandhigi doono shaqooyinka uu qaban doono sanadka ugu horeeyo.

Sidoo kale, Kheyre ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo uu la qaadanaayo Madaxdii hore, si uu uga kororsado aqoonta shaqo.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha ayaa wajahi doona Baarlamaanak labada Aqal, si uu uga helo kalsoonida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com