Xog: Sidee ayuu Farmaajo u qancin doonaa beelaha ka careysan magacaabida Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa February 23, 2017 Ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Kheyre oo ku caanbaxay howlaha samafalka.

Magacaabida Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa waxaa dhaliil ka muujiyay qaar kamid ah Beelaha Hawiye ee loolanka ugu jiray xilka Ra’isul wasaarenimo.

Xilka ayaa waxaa markii hore ku loolamaayay Beelaha Habar-Gidir iyo Abgaal, waxaana la sheegayaa in xilkaasi ay ku waayen khilaaf iyo muran dhexdooda ka curtay kadib markii ay isku saamixi waayen xilka si loo siiyo midkood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in magacaabida xilkaasi uusan kala tashan labada Beel ee isku heystay, halka Siyaasiyiinta kuw dhow dhow Madaxweynaha ay iyaguna yihiin kuwo qeyla dhaan kasoo saaray la tashi la’aan ay kala kulmeen Madaxweynaha maadaama ay howsha la wadeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa iminka looga fadhiyaa in Beelaha muranka ka keenay magacaabida Kheyre uu ka xaalmariyo baalmarka xilkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa loo badinayaa in labadaasi beel uu ku qancin doono Wasiiro muhiim ah inay ka heli doonaan Golaha Wasiirada ee uu magacaabi doono Ra’isul wasaaraha la magacaabay Xasan Kheyre.

Wasaaradaha uu ballanqaaday Madaxweynaha ayaa la sheegay inay kamid yihiin Sida Wasaarada Amniga, Gudaha, Dibadda iyo Agaasimayaal dhowr, sida aan xogta ku heleyno.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabida Ra’isul wasaaraha ku andacooda in laga dalbaday dhisida Dowlad ka fog Khilaafka, waxa uuna sheegay in Xasan Kheyre uusan kala kulmi doonin Khilaaf, isla markaana uu ku kalsoon yahay shaqadiisa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Beelaha dhaliisha keenay uu hordhigo Wasaaradaha uu u gartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com