Kheyre oo shaaciyay in Somalia ay ka feejigan tahay 2 arrin oo sumcadeeda hoos geynkara

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatooyinka heysta dowlada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in dhibta heysata Somalia aysan aheyn mid ku kooban dhaqaalaha, balse ay tahay mid dhinacyo badan leh.

Waxa uu Kheyre sheegay in dowlada Somalia ay aad uga fogaaneyso in dhaqaale xumi loo duleysto waxa uuna arrimahaasi ku kala sheegay:

1-In dowlada Somalia aysan u dulqaadan doonin in dhaqaale xumi heysata aawgeed uu adduunka u duleysto.

2-In dowlada Somalia ay qafiifiso garab weydiisiga dowladaha shisheeye, waxa uuna cadeeyay in xooga la saari doono soo saarashada kheyraadka ku jira dalka si looga kaaftoomo adduunka intiisa kale.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Magaalada New York ka sheegay in Somalia ay ka daashay dagaal iyo dhaqaale xumi, waxa uuna carab dhabay inay xooga saarayan sida looga kaaftoomi lahaa dhaqaalaha uu adduunka ugu deeqo Somalia.

Waxa uu Kheyre Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u tashtaan dalkooda isla markaana ay ka fogaadan qodobada aan kor ku sheegnay oo uu tilmaamay inay hoos u dhigtay sumcada Somalia.

Haddalka Kheyre ayaa u muuqda culeys hor leh oo dowlada Somalia kaga imaanaya dhanka dowladaha caalamka, bacdama ay Somalia ku caanbaxday garabsiga caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com