Kheyre oo soo saaray amar aad u farxad galiyay shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow amar ku bixiyay in la bixiyo mushaarka shaqaalaha dowladda ee bisha Janaayo ee sanadkan.

Ra’isul wasaaraha ayaa qoraal uu soo saaray ku amray in Wasiirka Maaliyada oo si KMG ah usii haya xilka iyo Xisaabiyaha Guud bixiyaan xuquuqda Shaqaalaha.

Ra’isul wasaaraha waxa uu qoraalkiisa sidoo kale ku cadeeyay in xiliga lagu guda jiro bixinta mushaaraadka la jaro lacago qoondo ah oo loogu tala galay abaaraha.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in amarkaasi uu yahay mid khuseeya dhammaan Xafiisyada Dowlada waxa uuna intaa raaciyay in bixintaasi ay daba socon doonto baaritaan iyo u kuurgalid bixinta Mushaaraadka.

Kheyre waxa uu sheegay in Mushaaraadka Dowlada uu ahaan doono mid joogta ah, waxa uuna carabaabay in shaqaalaha Dowlada looga baahan yahay in taa bedelkeeda ay gutaan waajibka saaran.

Mushaaraadka uu amray Ra’isul wasaaraha ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo ay bixiso Dowlada Maxamed C/llahi Farmaajo, waxaana xusid mudan in shaqaalaha Dowlada aan mushaar lasiin tan iyo markii ay dhalatay sanada cusub.

Ra’isul wasaaraha ayaa dhawaan si KMG ah u hakiyay akoonada Wasaaraddaha Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir ku leeyihiin Bankiga Dhexe, waxaana la joojiyay in wax lagala baxo, balse qaraashaadka lagu shubi karo.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn sida ay isku waafaqi karaan labada amar ee Ra’isul wasaaruhu soos aaray, iyadoo aan wali xayiraada laga qaadin akoonada Wasaaraddaha Xukuumadda ee Bankiga Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com