Xog: Caddow Cali Gees oo wada qorshe uu dhaqaalaha dekeda uga curyaaminayo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso inuu Caddow Cali Gees yahay shaqsiga ka dambeeyo in dib loo furo dakadda macmalka ah ee Macaanka kadib markii ay is khilaafeyn madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo./

Caddow Cali Gees ayaa dowladda cusub ka codsaday mashruucii uu horey Xasan Shiikh uga joojiyey oo aheyd in la siiyo maamulka Saadka Ciidamada AMISOM oo uu horey u heysan jiran siyaasigaan.

Caddow Caloi Gees ayaa qorsho diyaarsan u geeyey madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cosoble wuxuuna ka dhaadhacsiiyey in dib looga shaqeysiiyo Dakadda Ceel Macaan oo ku taal dhul ka mid ah maamulka Hirshabelle.

Caddow ayaa cosoble la wadaagay in lacag fiican laga dhallin karo dakadda Muqdisho sidoo kalana uu isaga maalgelin buuxda ku sameeyo uuna shaqadaas qabto isagoo matalayo Maamulka Hirshabelle si uusan caqabad ugala kulmin dowladda Farmaajo.

Tallaabadaan uu qaaday Xildhibaan Coddow Cali Gees oo kamid ahaa musharixiintii isku soo taagtay xilka madaxweynimo ayaa lagu sheegay inay tahay mid uu ku xumeenayo dowladda Farmaajo isagoo doonayo inuu curyaamiyo dhaqaalaha ay dowladda ka hesho Dakadda Muqdisho.

Gees ayaa wado qorsho ah in Dakadda Ceel Macaan ay ganacsatada ugu adeegto qiimo 50% ka yar midda Muqdisho waxaana laga yaabaa inuu soo jiito ganacsato aad u badan maadaama Dakadda Muqdisho looga qaado Canshuur Badan.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadli arrinta ku aadan dib u furista dakadda Ceel Macaan oo ah dakad macmal ah oo la isticmaali jiray xilligii ay dakadda Muqdisho u xirneyd hoggaamiye kooxeedyadii dalka maamuli jiray ka hor inta aysan wadanka qabsan maxkamadihii islaamiga oo ka shaqeeyey in dib loo furo dakadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha.

Arrintaan uu wado siyaasigaan ayaa la sheegayaa inay saameyn weyn ku yeelan doonto dhaqaalaha dowladda ay ka hesho dakadda Muqdisho lamana garanahyo tallaabada ay dowlada ka qaadi doonto arrintaan.

Waxaan dhawaan idinla wadaagi doono fallanqeyn ku aadan Saameynta ay ku yeelan karto arrintaan dowladda cusub iyo sida uu Farmaajo uga hortagi karo qorshahaan ka dhanka ah ee uu wado Caddow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com