KHEYRE oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo war qoraal ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Khayre ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka, isaga oo shaaca ka qaaday inay ku guuleysan la’yihiin sidii looga gudbi lahaa xaaladda adag ee kala guurka ah.

Musharrax Khayre ayaa xusay in natiijo aan wanaagsaneyn ay ka dhalaneyso marka danta gaar ahaaneed laga hormariyo tan guud, sida uu hadalka u dhigay.

“Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Musharrax Khayre.

Dhinaca kale wuxuu ka digay sii socoshada khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka, isaga oo tilmaamay haddii uu sii jiro in laga dhax-layo dib u dhac horleh.

“Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan, ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna,” ayuu markale sii raaciyey Khayre.

Halkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo marba marka ka dambeysa ay kasii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba hanaanka loo wajahayo doorashooyinka sanadkan 2021-ka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Afar (4) bilood kahor ayaa hadal aan jeediyay ku sheegay, in qaabka aan u maareyno afartanka (40) maalmood ee xilligaas nagu soo aadanaa, ay fure u noqon doonto afarta (4) sano ee nagu soo fool leh, ayna gundhig u sii noqon doonaan sawir-mustaqbaleedka dalkeena iyo dadkiisu ay yeelan karaan afartanka (40) sanno ee soo socdo.

Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada.

Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan, ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna.

Aniga oo ku kalsoon garaadka iyo kartida dadka Soomaaliyeed, waxaa ii muuqdo maalmo qurux badan oo dalkeenna iyo dadkiisu ay yeelan karaan mustaqbalka dhow, hadii ay helaan hoggaankii saxda ahaa ee horumarkaas ku hoggaamin lahaa.