Daawo: Xasan Daahir Aweys oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska duubay waxa uu ku weeraray madaxweynasha Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo tilmaamay inay u muuqdaan rag siyaasadu cariiri ku noqotay.

Waxa uu sheegay in wixii hadda ka horeeyey uu is lahaa iyagaa gar leh, balse hadda ay u muuqdaan rag siyaasadu ku cakirantay.

“Markii horaba waxyaabo laga garaabi karo ayaad ku doodeyseen, laakiin meeshii aad dalbateen hadii la idinkugu yimid oo aad diidaan inaad ka qeyb gashaan shirka cariiri ayaad geleysaan, in amar la idin siiyo oo la idin handado waxay idinku tahay fadeexad weyn oo siyaasadeed, marka meeshii aad is la heydeen garabka kale cariiri geliya, adinkaa cariiri la idin geliyey hadda,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xasan Daahir labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ugu baaqay inay shirka ka qeyb galaan inta goori goor tahay oo aan sharaf dhac siyaasadeed lagu sameyn.

“War hadda kadib waad ku ceeboobeysaan bahasha, hadii kale siyaasadda isaga baxa, waxaa la rabaa inaan la isku cariirin siyaasadda, waad isku cariiriseen bahasha, taasna waxaa idin kugu wacan jidka xun ee markii horaba aad qaadeen ee diin la’aanta ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray Xasan Daahir Aweys.

Waxuu intaas ku sii daray, “War waxyaabaha qaar waa ceeb, sababtoo ah markii hore amniga ayaad ka cabaneyseen, taasna waan idin kugu garaabaayey oo wixii 19-kii Febraayo dhacay idinlama rabin, laakiin markii Xalane la idin kugu yimid, maxay yihiin waxa kale oo aad rabtaan magacood?”

Waxa uu sheegay in garabka kale ee Farmaajo iyo madax goboleedyada taabacsan oo markii hore ay la doonaayeen shirqool siyaasadeed uu hadda iyaga shir qoolay, isagoo Deni iyo Axmed Madoobe kula taliyey inay sidaan wax ka bedelaan oo ay la yimaadaan feker siyaasadeed ama siyaasadda dhan ay isaga baxaan, sida hadalkiisa uu u dhigay.

“Adinku waxaad rabtaan inaad sharafta ka qaadaan kuwa kale, ayaguna sidoo kale ayey u doonayaan in sharafta la idinka qaado, kuligiin waxaa tihiin qurun is xasdaaya oo aan isku tanaasulin, marka cariirigu hadda adinka ayuu idin heystaa ee ogolaada inaad shirka gashaan, awalowsan kheyr ka imaneyn, kheyrna laheyne,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Daawo