Puntland oo beenisay warar laga faafiyey Deni oo la xiriira Madasha Badbaado Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani ayaa beeniyey warar saacadihii lasoo dhaafay lagu qoray baraha bulshada, kuwaas oo sheegayey in Deni uu ka tanaasulay qorsha Madasha Badbaado Qaran iyo Saamileyda kale ay uga mid noqonayaan heshiiska arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraalkan oo lasoo dhigay cinwaan facebook been abuur ah oo u eg midka Saciid Deni ayaa lagu yiri “Waxaan ka tanaasulnay qorshaheyga aan ku doonayey in dhammaan xubnaha Madasha Badbaado Qaran iyo saamileyda siyaasadda ay qeyb ka noqdaan heshiiska dalka ee arrimaha doorashooyinka, kadib marki aan aragnay in baarlamanka federaal Soomaaliya waqtigiisu dhammaada uu doonayo inuu sameeyo mudro kordhin aan sharci aheyn.” 

Jaamac Deparani ayaa qoraalkaasi ku tilmaamay mid looga been abuurtay madaxweyne Deni, iyada oo la adeegsanayo ciwaan aan sax aheyn. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in qoraalka lagu sameeyey habka Online-ka ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax la eryo been baa u gaabisa ! Ciwaanka saxda ah ee Madaxweynaha waakan H.E Said Abdullahi Deni sawirkana waa mid lagu been abuuray habka Online-ka ah,” ayuu yiri.

Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa ku mideysan Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka sare, iyada oo dhowaan looga dhowaaqay magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqoto dadaallada socda ee doorashooyinka.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu dalku ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, waxaana weli si mari-waa uu ka taaagan yahay doorashooyinka 2021.