Kheyre oo wada qorshe uu ammaanka Muqdisho ugu wareejinayo ciidan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray xarumo ciidamada dowladda Soomaaliya ay tababar ku qaadanayaan, waxaana ciidamada ay ahaayeen boolis cusub oo la doonayo inay amaanka xaqiijiyaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka ayaa qeyb ka ahaa kormeerka Kheyre uu ku tagay magaaladaxeryaha ciidamada amaanka ay tababarka ku qaadanayaan kuwaasi oo loo diyaarinayo inay xaqiijiyaan amaanka caasimadda.

Xarumaha ay booqashada ku tageen waxaa kamid ah Iskuul Boliisiyo halkaasi oo ciidamo badan oo booliska kamid noqonaya maalmahaan uu tababar kaga socday halkaasi, waxaana uu Kheyre dardaaran u jeediyay ciidamada uu halkaasi kula kulmay.

Xoghaayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka uu doonayo in dhawaan ciidamada tababarka loosoo xiray ay la wareegaan amaanka caasimadda.

Marar badan ayaa ciidamo cusub lagu wareejiyay amaanka magaalada Muqdisho waxaana dhacayay falal amaanka liddi ku ah, waxaana la ogeyn waxa ciidamadaan cusub oo dhaliyaro u badan ka badali doonaan amaanka caasimadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com