Maxay warbixinta kooxda QM ka tiri saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta?

Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa toddobaadkan soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd, oo arrimo badan looga hadlay.

Warbixintaas ayaawaxa ku jira qaybo Somaliland ka hadlaya, gaar ahaan waxa ay kooxdani aad culayska u saartay saldhiga ay dawladda Imaaraadka Carabta ka dhisanayso magaalada Berbera.

Kooxdan UN Monitoring Group, waxay iyadoo ka hadlaysa saldhiga Imaaraadka ee Berbera ay sheegtay inay dawladda Somaliland ka waayeen jawaab celin ku saabsan saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera oo ay su’aalo ka weydiiyeen.

2 February 2018, ayay kooxdu sheegtay inay Somaliland u soo direen qoraal ay kaga hadlayaan in dhismaha saldhigaas Berbera uu ka hor-imanayo cunaqabataynta hubka, iyadoo kooxdu xustay in caawimo kasta oo dhinaca ammaanka ah ee hay’adaha Somaliland uu u baahanayo inay ogolaansho ka helaan guddiga sida uu dhigayo qodobka 11, farqadiisa (a) ee qaraarka ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saareen sannadkii 2013. Waxa kale oo ay UN Monitoring warbixintooda ku sheegeen inay Somaliland sidoo kale weydiiyeen halka uu marayo dhismaha saldhigaasi, “Ilaa hadda, kooxdu may heli wax jawaab ah.” Ayay tidhi warbixinta Qaramada Midoobay.

Laakiin kooxda waxa u jawaabtay dawladda Imaaraadka Carabta. Warbixintu waxay tidhi “5 June 2018, waxa ay kooxdu taar u dirtay Imaaraadka Carabta, iyadoo raadinaysa warbixin la xidhiidha aasaaska saldhiga iyo balaadhinta dekedda Berbera.

7 September, Imaaraadka Carabta ayaa ku soo jawaabay sidan, “Imaaraadka Carabtu wuxuu la galay Somaliland heshiis si uu u horu-mariyo oo u maaamulo dekedda Berbera. Dhammaan heshiisyadii lala galay gobolada Soomaalida waxa loo galay iyada oo laga duulayo awoodaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin madaxda goboladaasi, iyada oo looga dan leeyahay in lagu guulaysto amni, degenaansho iyo badhaadhe ay gaadho Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dadkeedu.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com