Muxuu isbadalka mowqifkii Jubaland ee khilaafka DF Somalia ka dhigan yahay?

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa badalay Mowqifkoodii adkaa ee la xiriiray inay heshiis la galaan dowladda Soomaaliya, kadib markii ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi uu wadahadal  ugu tagay magaalada Kismaayo.

Badalida Mowqifka Jubbaland ayaa ka dhigan in dowladda Soomaaliya ku guuleysan karto inay saaxiib dhow la wada noqoto maamul goboleedyada oo Jubbaland iyo Puntland ay ugu adkaayeen.

Wuxuu sidoo kale mowqifkaan ka dhigan yahay in Jubbaland ay noqon karto maamulka Seddexaad ee toos ula heshiiya dowladda Soomaaliya, marka laga yimaado Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ka dhigan yahay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay badasho Jubbaland oo meesha ugu adag ka taagneyd iskaashiga dowlad goboleedyada maadaama Kismaayo lagu qabanayay shirarka maamulada.

Waxa kaliya ee u haray ayaa ah maamulka Puntland waxaana C/Welli Gaas ku furan doorasho la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Garowe.

Markii Madaxweyne Shariif Xasan oo heshiis la galay dowladda Soomaaliya waxaa yaraatay awoodii badneyd ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana hadda heshiis aan badneyd dowladda kula jiro madaxweyne Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimad@live.com