Kheyre: Sarkaal iyo askari aan daacad noo aheyn ma sii wada joogi karno.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladiisu ay ahmiyad gaara siin doonto akhlaaqda Saraakiisha iyo ciidamada u bareeray difaaca Qaranka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay adag tahay in wada shaqeyn ay dhexmarto dowlada iyo Sarkaal aan daacad u aheyn Qaranka, waxa uuna farta ku goday in Askariga uu akhlaaq xumada ka dhexlo Sarkaalka u taliya.

“Waan la socnaa in Askariga uu akhlaaqda fiican iyo tan xunba uu ka dhexlo sarkaalka u taliya, sidaa darted ma wada shaqeyn doono sarkaal iyo askari aan u diyaarsaneyn akhlaqda iyo difaaca dalka”

“Ma jirto sabab uu dowlada ugu shaqeynkaro sarkaal iyo askari aan daacad u aheyn Qaranka, askariga wanaagsan waa in danihiisa uu ka hormariyaa mida gaar ahaaned”

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay in askari waliba ay daacad ka tahay difaaca Qaranka, waxa uuna carab dhabay in dalka uu yahay mid kasoo kabanaaya burbur una baahan in lagu dhaqo daacad.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ka digay in la arko Saraakiisha iyo askar ku xadgudbeysa shacabka, waxa uuna arrinka noocaasi ah ku sheegay mid ka dhalankarta ciqaab.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulan khaasa uu la qaatay saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com