Aqri: Machadka isgaarsiinta qaranka oo dib u hawlgalay

Caasimada Online (Muqdisho): Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa dib u hawl-gelisay Machadka Tababarka Isgaarsiinta Qaranka oo hoos tagi jiray Wasaaradda, kaas oo sare u qaadi doonta xirfadaha teknoolojiyada ee dalka.

Machadka oo la aasaasay sanadkii 1976-dii waxaa dhinaca qalabka iyo tababarrada ka caawin jiray Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), hase yeeshee waxay hawlihiisi joogsadeen sanadkii 1991-kii. Hase yeeshee, tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa la isku dayay in dib loo kiciyo Machadka, waxaase caqabad ka haysatay sidii loo heli lahaa qalabkii farsamada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ee lagu tababaran lahaa, taas oo haatan la xalliyay.

Machadka ayaa haatan lagu diyaariyay sheybaarro computer iyo cisco ah (computer and Cisco labs), waxayna ardeydu ku tababaran karaan internetka Dawladda, dotSO oo laga baranayo sida loo maamulo website-yada, Xarunta Isku-xirka Internetka (Internet Exchange Point), kuwaasoo ay Wasaaradda hirgelisay lixdii bilood ee u dambeysay, iyadoo hawlahaasi ay Wasaaradda kala shaqeyn doonto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Injineer Cali Afey oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Wasaaradda iyo Injineer Daahir Jeyte oo ka tirsan Shirkadda NationLink oo ku hadlayay magaca shirkadaha isgaarsiinta, oo labaduba ka tirsanaa ardeydii ka soo aflaxday machadkan, ayaa ka hadlay kaalintii uu machadkan lahaa iyo in aqoontii ay ka kororsadeen ay haatan ku shaqeeyaan maamulayaasha isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada GalMudug, Mudane Axmed Dubbad Cali, oo matalayay wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, ayaa ku ammaanay Wasaaradda guusha laga gaaray dib-u-hawl-gelinta Machadka, isagoo u rajeeyay Machadka guulo waaweyn.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Prof. C/laahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan, ayaa labaduba ka hadlay sida aqoonta teknoolojiyada ay u horseedi karto shaqo-abuurista, kordhinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Machadka uu wax weyn ka qaban doono sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhinaca teknoolojiyada ah. “Markii aan xilka la wareegnay waxaan goosanay inaan Machadka ku dhisno isku-tashi, waxaana qalabkan iyo dayactirka ku sameynay inagoo kaashanay bahda waxbarashada, inaga oo aan Xukuumadda wax lacag weydiisanin,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay Isku-xirka Waxbarashada iyo Cilmi-baariista Soomaaliya (Somali REN) oo ku deeqay qalabka computer-ka, website-ka iyo dajinta manhajka Machadka, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Isgaarsiinta inay markan kaalintooda ka geystaan sidii dhismihii hore ee Machadka loo dhisi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ku ammaanay Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, oo labaduba munaasabadda goobjoog ka ahaa, gacanta ay ka geysteen guulaha degdegga ah ee ay Wasaaraddu ku tallaabsatay.

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xasan Cali Kheyre, oo ka hadlayay xiritaanka munaasabadda, ayaa ku ammaanay Wasaaradda dadaalka ay ku bixisay ansixinta sharciga iyo dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo inay haatan dib u soo nooleysay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka, isagoo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu u baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda.

Ra’iisul wasaaraha oo isbarbardhig ku sameynayay waqtiga ku baxa iyo dhaqaalaha ay soo kala saari karaan qofka ku shaqeysta teknoolojiyada iyo qofka ku shaqeysta beero ama xoolo aan cilmi lagu dhaqin ayaa xusay n dadkeena loo jiheeyo dhinaca teknoolojiyada. “Dhaqaalaheena ma horumari karo haddii aan la helin shaqaale xirfad leh”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online
Muqdisho-Office
caasimada@live.com