Wafdi Imaaraati ah oo ku sugan Israel xilli isbaheysi cusub la aas-aasayo..!!

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wafti milatari oo ka socda dalka Imaaraadkaa Carabta ayaa ku sugan Israel, halkaasi oo booqasho rasmi ah ay ku joogaan, sida ay ku warrameen warbaahinta Israel.

“Ciidamada cirka Israel waxa ay dhowaan marti-geliyeen wafti milatari oo ka socda Imaaraadka, si ay u eegaan habka ay u shaqeeyaan diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo” Waxaa sidaas ku warramay taleefishinka 124 ee Israel, oo soo xigtay saraakiil Israeli ah.

“Wafti ka socday dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale goobjoog ka ah kulamada” sida uu sheegay il-wareedka.

Sida uu sheegay taleefishinka 124 dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isku dayeysa inay diyaaradaha F-35 kasoo iibsato Mareykanka, xilli uu jiro isbaheysi cusub oo Israel iyo dalalka Khaliijka sameysanayaan oo ka dhan ah Iran.

Dowladda Imaaraadka Carabta weli ma aysan xaqiijin booqashada saraakiisheeda ay ku joogaan dhulka Yahuuda ay xooga ku haysato, ayada oo jirto in Imaaraadka xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah uusan la lahayn Israel.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaanayey Yahuuda, ayada oo xitaa ay beddeleen qadiyadoodii Falastiiniyiinta iyo Qudus, oo hadda ay u muuqdaan inay dhinaca Yahuuda la safteen.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com