Sawiro: Jaceylki xalay Qalbi Dhagax Nairobi lagu tusay iyo soo dhoweyntii cajiibka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Sarkaalka ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qalbi-Dhagax oo ka soo duulay magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi kusoo dhaweeyay boqolaal ruux oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Somalia iyo Kenya.

Siyaasiga C/kariin (Qalbi-dhagax) oo Khamiistii ina dhaaftay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta uga hortagay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Siyaasiga Faarax Macalin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida lagu arkay muuqaalo iyo sawiro la soo geliyay baraha bulshada dadweynaha ka qeyb qaatay soo dhaweynta C/kariin ayaa waxa ay wateen Calanka Soomaaliya, Sawirka (Qalbi-dhagax) iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ka mid yihiin geesigeena soo dhawoow.

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa markii uu gaaray Nairobi ka mahadceliyay soo dhoweynta loo soo sameeyay, isagoo gacan qaaday dadweynihii soo dhoweeyay, wuxuuna xalay si gaar ah kulamo ula yeeshay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta soo dhaweeyay.

Sii deynta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali, oo bilooyin kahor qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.