Kheyre: Somalia waxaan dhigeynaa halka ay mudneyd adduunkuna waan uga run sheegeynaa xaaladeena

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Somalia ay u dhabar adeegi doonto dadaal waliba oo dib loogu soo celinkaro xiriirka Somalia kala dhexeeya adduunka.

Ra’isul wasaaraha oo shirka dhaqaalaha Aduunka uga qeybgalaaya Swezerland, ayaa sheegay in Somalia ay ka qeybgalka shirkaasi lumisay goor hore balse ay hadda soo nooleeyen booska ay Somalia kaga jirtay shirarka ceynkaasi ah.

Waxa uu tilmaamay inuu garwaaqsan yahay in shirka kadib ay Somalia kula soo laaban doonaan ballanqaadyo wakhti xadidan leh iyo kuwo aan wakhti laheyn, hase yeeshee ay guul weyn u arkaan inay soo nooleeyan xiriir iyo ka qeybgalka shirkaasi sanado badan ka hor lumay.

‘’Inta aanu wadno magaca iyo mas’uuliyada Somalia waxaanu ka dhabeyn doonaa dhaartii aanu marnay waxaan u dulqaadan doonaa in caqabad waliba oo aan u marno sida Somalia dib looga soo dhex muujin lahaa shirarkii ay lumisay ka qeybgalkiisa’’

‘’Adduunka waxaan ka iibin doonaa biseylka aan u qabno inaanu helno Nabad iyo wax la qeybsiga dowladaha dhigeena. Waxaan si wanaagsan u buuxin doonaa booska aan ku laheyn shirarka adduunka ee aanu fursada u weynay’’

‘’Qorshaha aan leenahay waa inaan Somalia dhignaa halka ay mudneyd adduunkuna waan uga run sheegeynaa xaaladeena dhabta ah, waayo waxaanu nahay dal iminka raadinaaya kalsooni iyo wax la qeybsiga adduunka intiisa kale’’

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in baahiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya ay u bidhaamin doonaan dhammaan wakiilada adduunka uga soo qeybgalay shirka.

Ra’isul wasaare Khayre waxa uu intaa raaciyay in mudada uu ku sugan yahay Swezerland uu si hordhac ah ula kulmay madaxbadan isagoo ka dhaadhiciyay in Somalia ay qani ku tahay kheyraad dabiici ah, isla markaana dooneyso maalgashi.

Waxa uu intaa kusii daray in madaxda u harsan oo ay wada kulmi doonaan inuu hor dhigi doono baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Somalia oo loo arko in uu yahay Dalka nimceysan kuna fiican Maalgashi dhaqaale.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu wacad ku maray in Xukuumadiisu ay muddo gaaban kusoo afmeeri doonto dhammaan waxyaabihii ka khaldamay madaxdii hore ee Somalia kala dhexeeyay Adduunka intiisa kale.

Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa mudada ay joogto xal muuqda u shegay cilado diplumaasiyadeed oo muuqday kuwaa oo hoos u dhac ku keenay Siyaasada Somalia ee adduunka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com