Masar oo caqabado hor leh hor dhigtay Madaxii hore ee ciidamada qalabka sida

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Masar ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah loo hakiyay ololihii doorasho ee uu magaalada Qahira iyo Gobolada Masar kawaday Madaxii hore ee ciidamada qalabka sida ee Masar, Sami Anan.

Dowlada Masar ayaa sheegtay in Xabsi la dhigay Sami Anan isla markaana laga hor istaagay dhammaan dadaaladii uu ugu jiray kamid noqoshada Musharaxiinta u tartameysa doorashada Madaxtinimo.

Afhayeenka ololaha u qaabilsanaa Sami Anan ayaa sheegay in ololaha uu hakat kusii jiri doono inta laga soo shaki baxaayo Sami oo dacwad uga furan dhanka Militeriga Masar.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Go’aankan uu yimid saacado kaddib markii Guddiga Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Masar SCAF ay xabsiga dhigeen Anan iyaga oo ku eedeeyey inuu gaystay xadgudubyo la xiriira dhinaca sharciga militiriga.

Musharaxan dhexda loo galay hamigiisa ee Sami Anan oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa axadii, ayaa lagu eedeeyay inuu hagaajistay waraaqa been abuur ah inuu dhammeeyay adeeggiisa milatariga mana uusan helin ogolaanshaha ciidankiisa.

Eedeymaha loo jeediyay ayaa waxaa kamid ah in Anan uu raadinayay in uu kala qaybiyo ciidamada qalabka sida iyo muwaadiniinta.

Si kastaba ha ahaatee, Xariga iyo bahdilka Sami Anan ayaa waxaa ka danbeeya Madaxweynaha Masar Abdi fetah Al-Sisi oo isagu kasoo horjeeda in lagu cariiriyo doorashada Masar ee dhawaan dhici doonta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com