RW Kheyre oo la kulmay ra’iisul wasaaraha Norway kana hadlay arrinta baasaboor kala noqoshada

Davos (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland maanta kula kulmay dhigiisa Norway, haweeneyda cunsuriyada ee Erna Solberg xili ay si wada jir ah ugu qeybgalayeen shir sanadlaha dhaqaalaha adduunka ee World Economic Forum.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ujeedada ugu weyn ee shirka WEF ugu qeybgalaayo ayaa ah sidii uu maalgalin ugu heli lahaa mashaariicda horamarineed ee xukuumadiisa ay rabto inay ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Labada ra’iisul wasaare ayaa dhinaca kale ka wada hadlay habka loo sii xoojin karo xiriirka wada shaqeyn ee labada dal ka dhaxeeyo, kaasoo ah mid soo jijen ah.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Wargeyska Dagbladet u sheegay in xisbiga xagjirka ah ee FRP ay lasoo xiriiri karaan hadii ay dhibaato ku qabaan heysashada baasaboorka Norwiijiyiinka ah.

Hadalka RW Kheyre ayaa ah mid jawaab u ah hadal kasoo baxay afhayeenka xisbiga FRP oo dalbanayay in RW Kheyre laga ceshto dhalashada maadaama uu dal kale madax u noqday, isagoo qiil ugu dhigay in su’aal ka imaan karto sida qof haysto dhalasho labo wadan uu daacad ugu ahaan karo.

Afhayeenka hadalkaasi jeediyay oo la yiraahdo Keshvari ayaa naftiisa ah soo galooti dhalasho qaatay oo kasoo jeeda dalka Iiraan, wuxuuna Kheyre uu seddax sano kaga soo horeeyay Norway.

Xigasho: Dagbladet