Xog: Afhayeenka Maamulka G/Banaadir oo laga sii daayay Xabsi ay dhigtay Dowlada FS + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dib xoriyadiisa u siisay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar oo la dhigay Xabsi guri.

Afhayeenka ayaa Xabsi guriga laga sii daayay saacado ka hor, kadib markii lagu helay qodob sharci ah oo la xiriira inuu Shir Jaraa’id uu ka akhriyay in Duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi loo doortay laba sano iyo bar inuu sii hoggaamiyo Gobolka Banaadir.

Xalane oo shirka Jaraa’id kadib lagu wargaliyay inuu yahay Xabsi guri, isla markaana kasoo bixi Karin hooygiisa ayaa iminka xoriyadiisa dib u helay, waxaana weli socda baaritaan lagu hayo Afhayeenka.

Afhayeenka oo aad ugu dhawaa Guddoomiyaha aan weli xilka wareejin ayey Hay’adaha amaanka ku eedeeyen inuu gaf ka galay Qaranka, hase ahaatee waan-waan ay galeen Odayaal ku dhow dhow ayaa si KMG ah looga sii daayay  Xabsiga.

Sidoo kale, Xalane oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa waxaa lagu wargaliyay in xiliga loo baahdo uu soo gaaro halka laga doonaayo, si wax looga weydiiyo shirka Jaraa’id uu mudada ugu dheereeyay Taabit.

Geesta kale, Guddoomiyayaal Degmo oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa iyaguna qeyb ka ah kiiska Shirka Jaraa’id ee xariga Xalane sababay, wallow aan la ogeyn sida ay dowladu ka yeeli doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com