Khilaaf ka dhex billowday Cawad iyo C/Qaadir Axmed Khayr (Warqado is-burinaya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa soo kala dhex galay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wasiiru dowlaaha Cabdulqaadir Axmed Khayr, oo warqado is-burinaya isugu jawaabay.

Warqadahan koowaad ayaa xilka looga qaaday Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda wasaaradda, halka tan kalena lagu buriyey warqadaas tilmaameysa xil ka qaadista.

Warqadda koowaad oo kasoo baxday xaafiiska wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa ku socotay xisaabiyaha guud ee Qaranka, waxaana loogu gudbiyey saxiixa Shirwac Cabdullahi Ibraahim oo warqadaas loogu magacaabay in uu noqdo agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Warqad kale oo kasoo baxday xaafiiska wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad oo lagu socodsiiyey guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda, ayaa lagu buriyey magacaabista iyo saxiixa uu gudbiyey wasiiru dowlaha wasaaradda Cabdulqaadir Axmed Kheyr.

Sidoo kale wasiir Cawad ayaa dhamaan hey’adaha lagu socodsiiyey warqadii hore ku wargeliyey in uu buriyey magacaabistaas oo sida lagu xusay qoraalka kusoo baxday sifo sharci darro ah.

Dhowr hey’adood oo lagu xusay warqadda kasoo baxday xaafiiska wasiir Cawad ayaa sidoo kale lagu xusay in Saciid Aadan Jaamac uu weli yahay agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo is kaashiga caalamiga ah.

Hoos ka aqriso labada warqadood