Kaamirooyin ku xirnaa Maka Al-Mukarama oo mar kale miinooyin lagu burburiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo saaka aroortii laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay Kaamirooyinka CCTV ee ay laamaha ammaanka ku xireen jidka Maka Al-Mukarama.

Illaa shan qarax ayaa la sheegay in lagu burburiyey qaar ka mid ah baalayaasha lagu xiray Kaamirooyinkaasi, kuwaas oo ku yaalla inta u dhexeysa isgoysyada Dabka & Sayidka

Dadka Muqdisho, gaar ahaan kuwa degan hareera jidka dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa salaadii subax mar qura ku soo toosay dhawaqa culus ee jugta qaraxyadaasi.

Sidoo kale wararka aya intaasi ku daraya in qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

Laamaha amniga ee dowladda federaalka ma warin wax khasaare nafeed oo ka dhashay miinooyinkaasi, marka laga reebo waxyeelada soo gaartay Kaamirooyinka.

Waa markii labaad oo qaraxyo lagu burburinayo Kaamirooyinka ay dowladda ku rakibtay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Kaamirooyinkaan oo ah kuwa qarsoon ee loo yaqaano CCTV ayaa laamaha amnigu waxa ay ugu talagaleen inay kula socdaan dhaq dhaqaaqa isgoysyada qaar ee Caasimada, si ay qeyb uga noqdaan howlaha sugida amniga oo ay wadaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.