Somaliland oo ganacsatada u dirtay hanjaab culus

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa war ka soo saartay Ganacsatada isku dayaya inay qiimo kac ku sameeyaan maceeshada, iyadoona hanjabaad ku aadan arrinkaasi u dirtay Ganacsatada deegaanadeeda.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa sheegay inaysan xukuumadoodu aqbaleyn in wal-walka laga qabo fayruska Corona looga faa’iideysto in bulshadeeda lagu kiciyo qiimaha maceeshada.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in ay wax iska badali karin qiimihii hore, maadama aysan jirin cabsi ku aadan Raashin la’aan.

Maxamed Kaahin ayaa sheegay in talaabo adag ka qaadi doonaan Ganacsatada isku deyda in sare u kac ku sameeyaan qiimaha maceeshada.

Wuxuuna faray laamaha amaanka iyo maamulka gobolada in ay fuliyaan amarkaasi, isla markaana ay talaabo ka qaadaan Ganacsatada ka faa’iideysaneysa wal-walka baahsan ee laga qabo Coronavirus.

Somaliland ayaa iyadu dadaal ugu jirta ka hortaga fayruska Corona, oo dunida si xawli ah ugu faafay, iyadoona dhowaan la shaaciyeyn in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya laga helay kiis la xiriira fayruskaasi.