Maamulka GALMUDUG oo gacanta ku dhigay jaakad qaraxyo ah + Sawirrada

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay Jaakadda loo adeegsado qaraxyada oo lagu qarinayey xaafad ku taalla koonfurta magaaladaasi.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug, G/ Shexe Qaasim Sheekh Doon Cali oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka ay gacanta ku soo dhigeen jaakadda qaraxyada iyo agabkii lagu qarxinayey, kadib xog ay ka heleen shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad joogaan raggii ku howlanaa diyaarinta  qaraxaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgalladooda.

Dhankiisa guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Cali Siiriye oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa boggaadiyey ciidanka fuliyey howlgalkaasi, isagoona sidoo kale u mahadceliyey dadka shacabka ah ee soo gudbiyey xogtaasi.

Lama oga illaa iyo hadda halka lala damacsanaa weerarka qaraxa ee la qorsheynayey, balse ay ka hortageen ciidamada ammaanka.

Gaalkacyo oo u kala qeybsan koonfur iyo waooyi ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey howlgallo ka waday ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland.