Khilaaf ka taagan furitaanka SHIRKA CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu iminka ka taagan yahay furitaanka Shirka Cadaado.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaasha qaar ay is khilaafeen xili la filaayay inuu si toos ah u furmo shirka, iyadoona Madaxweyne Xassan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha shirka badelkiisa ay galeen dhex dhexaadin dhanka Odayaasha labada dhinac.

Ergooyinka ayaa la soo warinayaa inay buuxaan Hoolka uu ka furmaayay Shirka, hayeeshee caqabada ugu weyn ay iminka ka taagan tahay dhanka Odayaasha.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Waxgaradka Cadaado ay kasoo horjeedan in uu maanta furmo shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe iyada oo aan xal laga garin arrimo badan, waxa ayna ku doodayaan waxgaradka Cadaado in Madaxweynuhu uu ka laabto go’aankiisa ahaa in Dhuuso Mareeb ay Xarun u noqoto Maamulka Gobolada Dhaxe.

Kulamada usocda Madaxweynaha iyo waxgaradka kasoo jeeda Cadaado ayaa ah mid wali la isku mari la’yahay, waxa uuna Madaxweynaha Somalia uu ku adkeesanayo go’aankiiisa ahaa in Dhuusomareeb ay xarun u noqoto Maamulka Gobolada Dhaxe.

Magaalada Cadaado waxaa hada kusugan qaar kamid ah Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulkaasi, waxaana la dhoorayaa sida uu xaalku noqon doono saacadaha soo socda.

Dhanka kale, Xaalada ayaa ah mid cakiran waxaana shir ismari’waa ah uu hada u dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo Odayaasha Cadaado oo dhinac ah iyo Odayaasha Dhuusamareeb oo iyaguna dhinac ah.

La soco wixii kusoo kordho wararkeena dambe

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com