Beesha SADE oo ka carrootay shirka CADAADO

Cadaado (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Sade ee u diyaarsanaa inay kaga qaybgalaan Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, ayaa waxay ka caroodeen inay Dowladda xal u heli weydo laba ka mid ah beelaha Gobolka Galgaduud.

Odayaasha Caabudwaaq, ayaa waxay saluugeen in shaki la geliyo qabsoomidda shirkii maanta la filaayay inuu ka furmo Magaalada Cadaado, haddii kol hore la iclaamiyay in Arbacadana uu shirku ka bilaaban doono Cadaado.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogga Magaalada Cadaado, ayaa kulamo kala duwan waxa uu kula qaatay dadka deegaanka iyo Masuuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dadka deegaanka waxay ugu dambeen ku qanceen in Magaalada Dhuusamareeb ay noqoto Caasimadda Maamulka Gobolada Dhexe, ha yeeshee waxay soo jeediyeen laba sharuud oo Dowladda ku adkaatay inay aqbasho.

Waxay soo jeediyen in Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe lagu caleemo saaro Magaalada Cadaado, xilli Madaxweynaha Somaliya uu sheegay in Madaxweynaha Gobolada Dhexe lagu caleemo saari doono Dhuusamareeb.

Waxay kaloo soo jeediyen in Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe kan ugu horeeyo mudada xilkiisa uu ku dhameysto Magaalada Cadaado, isagoo Xaruntiisa ay tahay Cadaado, Madaxweynaha labaad ee soo dooran doonana uu ka hawlgalo Dhuusamareeb.

Odayaasha Caabudwaaq, ayaa waxay gaadiidkii ay wateen ay kaga baxeen Magaalada Cadaado, iyagoona u jiheystay dhinacaa iyo Magaalada Caabudwaaq, oo markii horeba ay ka yimaadeen.

Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayaan inaanu weli shirka ka furmin Magaalada Cadaado, bacdamaa uu Madaxweynuhu uu isku deyaayo in la qanciyo dadka reer Cadaado.

Haddii aan xal rasmi ah laga kaarin waxyaabaha leesku haayo kulamada Magaalada Cadaado, ayaa waxaa dadka qaarkii u muuqaneyso in maalmo kale, uu hakad ku imaan doono shirka Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Cadadao
Caasimada@live.com